Heemaal News Network

Markab xamuul Oo ku Wajahnaa Imaaraadka Oo u Gacan-galay Burcad Badeed Somali ah

Koox Burcad-baddeed Soomaali ah oo tiradooda lagu qiyaasay 15 ilaa 25 dabley ah ayaa waxay Duhurnimadii maanta oo Talaado ah qafaasheen Markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Bangladesh.

Shirkadda leh Markabkaasi oo lagu magacaabo Kabir Steel Re-Rollimg Mills ayaa xaqiijisay in la afduubtay Markabkooda oo ay la socdeen 23 Badmaax.

Shirkadda oo loo soo gaabiyo KSRM Group’s ‘SR Shipping’ waxay sheegtay in Markabkaasi la qafaashay Kowdii Duhurnimo ee xilliga Afrikada Bari ee The Eastern African Time (EAT).

Markabka la qafaashay oo lagu magacaabo The MV Abdullah ayaa waxa maanta laga afduubtay Badweynta Hindiya, qiyaastii meel 600 oo nautical miles oo u dhiganta 1,111 KM dhanka Bari kaga toosan Xeebaha Caasimadda Somalia ee Mogadishu.

Markabkaasi oo waday Shixnad Dhuxul 55,000 oo Tan waxa uu ka soo shiraacday Dekedda Caasimadda dalka Mozambique ee Maputo, wuxuuna ku wajahnaa dalka Imaaraadka Carabta (The United Arab Emirates).

Dhanka kale, Badmaaxiinta markabka la afduubtay waxay Fariin Qeylo-dhaan ah direen abaarihii Kowdii iyo Barkii Duhurnimo.

Markabka laga qafaashay Xeebaha Somalia waxaa la dhisay sanadkii 2016-kii, wuxuuna dhererkiisu gaarayaa 185.74 mitir, halka ballaciisu gaarayo 30.4 mitir.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dawlada Somalia Oo Qareen u Qabatay Burcad Baddeed Lagu Maxkamadeynayo India

Heemaaln

Burcad Badeeddii Lagu Qabtay Markabka MV Ruen Oo Maanta Laga Dajiyay Mumbai Ee Hindiya

Heemaaln

Koox Somali ah Oo Heystay Markab Laga Leeyajay Iran Oo Ciidamada India Isku Dhiibay

Heemaaln