Heemaal News Network

Xasan Sheekh Oo Caawa la Kulmay Ciidamo Dhoolo-tus kasoo Qeyb galay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan casho ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed .

Ciidankan madaxweyne Xasan Sheekh caawa kulanka cashada ah la qaatay ayaa dhawaan kasoo qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda, isagoona ku ammaanay sida xirfada iyo kartida laheyd ay uga qeyb galeen dhoolo-tuska

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay ciidankan in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada ciribtirka Al Shabaab.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dagaal Culus Oo ka Dhacay Duleedka Xarardheere & Ajaaniib Lagu Dilay

Heemaaln

Kumandoska Danab Oo Wacdaro ka Dhigay Dhoolatus Caalami ah Oo Kenya ka Dhacay.(Sawirro)

Heemaaln

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo la Wareegay Gaadiid Dagaal.(Sawirro)

Heemaaln