Heemaal News Network

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo la Wareegay Gaadiid Dagaal.(Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxyadiin ayaa Maanta la wareegay Gaadiid dagaal oo loogu tala galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa mid mid u kormeeray gaadiidkaan Gaashaman oo loogu tala galay Guutada 14 October ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabada la wareegida gaadiidkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Guutada 14 October ee Ciidanka XDS G/Dhaxe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur farey).

Guutada October ayaa ka mid ah guutooyinka XDS ee Howlgalka adag ee ka dhanka ah Al shabaab ka wada Gobalka Sh/Hoose, lama sheegin cida ku deeqday gaadiidkan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dowlada Somalia Oo Shaacisay howlgalo Lagu Laayey Shabaabkii Ugu Badnaa (Akhriso)

Heemaaln

Kumandoska Danab Oo Wacdaro ka Dhigay Dhoolatus Caalami ah Oo Kenya ka Dhacay.(Sawirro)

Heemaaln

Sarkaalkiil Fashiliyay Qorshe Dagaal Oo la Dajiyay 2023 iyo Shirqoolkii Lagu Dilay G/le Xasan Tuure

Heemaaln