Heemaal News Network

Maraykanka Oo Meel-mariyay Sharci Dalka oo Dhan Looga Mamnuucayo TikTok

Sharci dejiyaasha Maraykanka ayaa meelmariyay sharci horseedi karo in Appkaaasi la mabnuuco.

Shirkadda weyn ee teknoolajiyadda Shiinaha ee ByteDance ayaa u baahan doontaa in ay ku iibiso saamigeeda App-ka muddo lix bilood gudahood ah ama ay wajahi doonto mamnuucid dukaamada App-ka Mareykanka iyo goobaha martigelinta websaydyada.

Arinkan ayaa daba socdo dadaallo hore oo ay sameyeen mas’uuliyiinta Mareykanka si ay u xaddidaan gelitaanka App-ka, iyaga oo tixraacaya khataraha amniga qaranka. Ma cadda waxa uu sharcigan Senate-ka ku danbeyn doono, laakiin madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in uu saxiixi doono sharciga haddii uu soo gaaro miiskiisa.

Afhayeen u hadlay TikTok ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan uu yahay “mamnuucid” wuxuuna ku boorriyay mudanayaasha in ay dhagaystaan ​​dadka soo doortay ka hor inta aysan qaadin wax tallaabo ah.

Sharci-yaqaanno ayaa sheegay in milkiilaha TikTok ByteDance uu xiriir la leeyahay xisbiga Shuuciga Shiinaha – taas oo ay beeniyeen ByteDance iyo TikTok.

Madaxweynihii hore Donald Trump ayaa ku guul daraystay inuu isku dayo inuu mamnuuco App-ka markii uu ku sugnaa Aqalka Cad sanadkii 2020.

Laakiin Trump ayaa dhaleeceeyay sharciga cusub, isagoo sheegay in xaddididda TikTok ay si caddaalad darro ah uga faa’iideysan doonto Facebook.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ilayskii La Iloobay

Heemaal

Maxkamadda G/Banaadir Oo Dhagaysatay Dacwada Ninkii Xaaskiisa Gubay.

Heemaaln

Mareykanka Oo Shaaciyey in Weerar Aargoosi ay Iran ku Qaadayso Israel.

Heemaaln