Heemaal News Network

Kumandoska Danab Oo Wacdaro ka Dhigay Dhoolatus Caalami ah Oo Kenya ka Dhacay.(Sawirro)

Ciidan ka tirsan Kumaandoska Soomaaliya ee Danab ayaa ka qayb-galay dhoolatus ciidan oo Maraykanku hoggaaminayey kaasoo loogu magac daray “Justified Accord” isla markaana socday 11 cisho.

Waxaa dhoolatuskan uu ka dhacay dalka Kenya ayaa la isu keenay 1,000 askari iyo cutubyo ka kala duwan oo ciidan oo ka socday 23 waddan.

Dhoolatuskan uu hogaaminayo Taliska Mareykanka ee Afrika, loogana dan leeyahay in lagu xoojiyo nabadda gobolka, amniga, iyo awoodaha gargaarka bini’aadantinimo ee Bariga Afrika.

Mareykanka ayaa sheegay in dhoolatuskan oo dhinacyo badan lahaa uu hoosta ka xariiqayay sida qotoda dheer ee ay uga go’an tahay nabad ilaalinta, wax ka qabashada xasaradaha, iyo kobcinta iskaashi waara oo lala yeesho ciidamada militariga ee gobolka.

Waxaa sanad kasta ka qeyb qaata dhoolatuskan in ka badan 1,000 askari oo ka kala socda in ka badan 20 dal isagoo ka koobnaa qeybo kala duwan oo tababar ah, oo ay ku jiraan tababarka goobta, layliga dab-damiska, hawlgallada badda, iyo tababarrada hawlgallada gaarka ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xasan Sheekh Oo Caawa la Kulmay Ciidamo Dhoolo-tus kasoo Qeyb galay (Sawirro)

Heemaaln

Deeqe Raashinka, Oo Maanta la gaarsiiyey Ciidamada Deegaanka Xaradheere.

Heemaaln

Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Maraykanka kala Hadlay Arimaha Amniga Somaliya.(Sawiro)

Heemaaln