Heemaal News Network

Golaha Shacabka Somalia Oo Amar Culus dul dhigay Wasiirka Gaadiidka Duulista hawada DF

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xubanaha Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka oo ka dooday dhacadadii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade), ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Duulista, Garoommada, Dekedaha, Tamarta iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdullaahi Geel-qaad xubnaha guddiga uga warbixiyay dhacdadii labadii maalin ee la soo dhaafay ay shacab badan ku xayirnaayeen garoonka saacado badan sababo aan sharciga waafaqsaneen.

Xubanaha guddiga ayaa ugu horeyn wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadaas lagu dhibaateeyay shacabkii u safraayey gobolada dalka, waxaana ay xubanaha Guddiga u yeereen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Duulista hawada iyo garoommada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cigaal kulan su’aalo oraaheed ah si waafaqsan Qodobka 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, si su’aalo loogu weeydiiyo waxa sababay in shacabka u safraya gobolada dalka gudihiisa ah lagu dhibaateeyo socdaalkooda, dadkaas oo ay ku jiraan, dad waayeel ah, caruur iyo dad xanuunsan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Baarlamanka Golaha Dhexe Ee Khatumo Oo Ansaxiyey Xeerka Wax ka Bedelka Axdiga SSC

Heemaaln

Gollaha Wakiiladda Somaliland Oo diiday in Xilka laga Qaado komishiner Cabdicasiis Xirsi Warsame..

Heemaaln

“Reer Awdal Waxaan Leeyahay Baddiina waxa Idiin Difaacaya Turkiga..”Xildhiban Caasha Koos

Heemaaln