Heemaal News Network

Wadahadalka xabad joojinta Gaza Oo mar kale furmaya & Xamaas Oo Qorshe Cusub keentay

Wadahadallada xabbad joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas ayaa la filayaa inay mar kale dib uga bilowdaan Axadda dalka Qatar

Wadahadallada hakadka galay ee loogu talagalay in lagu xaqiijiyo xabbad-joojin dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa la filayaa in ay si dhab ah uga bilowdaan Qatar beri oo Axad ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Masar.

Wadahadalladan ayaa noqon doona markii ugu horreysay oo mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Xamaas ay ku biiraan kulamada aan tooska ahayn tan iyo markii ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ayaa rajeynayay in ay xaqiijiyaan xabbad joojin lix toddobaad ah ka hor inta aysan bilaaban Ramadaanka horraantii toddobaadkan, laakiin Xamaas ayaa diiday heshiis kasta oo aan u horseedi doonin xabbad-joojin joogto ah oo laga sameeyo Gaza, taasoo Israel ay diiday.

Maalmihii la soo dhaafay, labada dhinac waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in wada-hadallada oo aan si buuxda u furmin, ay dib ugu soo laabtaan wadadii ay ku socdeen.

Xamaas ayaa dhexdhexaadiyayaasha siisay hindise cusub oo ah qorshe saddex weji ah oo lagu soo afjarayo dagaalka, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Masar ka tirsan..

Marxaladda ugu horreysa waxay noqon doontaa xabbad-joojin lix toddobaad ah oo lagu sii deynayo 35 la haystayaal – haween, kuwa xanuunsan iyo dadka da’ ah oo ay haystaan Xamaas si ay ugu beddelaan 350 maxaabiis falastiiniyiin ah oo ay haysato Israa’iil.

Xamaas ayaa sidoo kale sii deyn doonta ugu yaraan shan askari oo dumar ah oo ay ku beddelaneyso askari kasta 50 maxbuus, oo ay ku jiraan qaar xabsiyo dhaadheer ku jira oo lagu eedeeyay argagixisanimo,.

kooxda Xamaas ayaa sidoo kale dooneysa in ciidamada Israa’iil ay isaga baxaan labada waddo ee muhiimka ah ee Gaza, in Falastiiniyiinta laga barakiciyay ay dib ugu laabtaan waqooyiga Qaza, oo ay dagaalladu halakeeyeen iyo in la ogolaado in si xor ah ay mucaawinooyinku u gaaraan aaggaas.

Ku dhawaad mid ka mid ah saddexdii carruur ah ee ka yar 2 sano ee ku nool waqooyiga go’doonsan ayaa qaba nafaqo-xumo ba’an, hay’adda carruurta ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay.

Wajiga labaad, labada dhinac waxay ku dhawaaqi doonaan xabbad-joojin joogto ah, Xamaasna waxay soo dayn doontaa inta hartay ee askarta Israa’iil ee ay afduubka u haystaan si ay maxaabiis kale ugu beddelaan.

Wajiga saddexaad, Xamaas ayaa ku wareejin doonta maydadka ay hayaan si ay Israa’iil uga qaaddo xannibaadda Qaza oo ay u ogolaato dib u dhiska burburka gaaray Gaza oo ah kii ugu xumaa taariikhda

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay soo jeedinta Xamaas mid shaki badan, wuxuuna ogolaaday inuu u diro wafdi Israel u socda Qatar si ay wadahadalo dheeraad ah u yeeshaan.

Wadahadalladaas ayaa la filayaa inay dib u bilaabmaan galabnimadii Axadda beri ah.

Xukuumadda Netanyahu ayaa diiday baaqyada xabbad-joojinta joogtada ah, iyadoo ku adkaysatay inay fulineyso hadafkeeda ah “ciribtirka Xamaas.” hase ahaatee khubarada reer galbeedka ayaa aaminsan in Israel hadafkaas aysan weligeed gaari karin.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wafdigii Israel Oo ka baxay Wadahadalkii xabad joojinta Ee ka Socday Doxa

Heemaaln

Sheekh C/Xayi Oo ka ilmeeyay Dilka Israel U Geysatay Caruurta Hogamiyaha Xamaas Ismail Haniya

Heemaaln

Weriyeyaal ka Tirsan Aljazeera Oo Mar kale si Xun Loogu Dhaawacay Gaza (Sawirro)

Heemaaln