Heemaal News Network

Cantoobo Loos Ah Oo Aad Cunto Maalintii Waxay Ka Hortagaysaa Sunta Jirka Gasha

Saynisyahannada ayaa ogaaday in dadka da’da dhexe iyo waayeellada cuna gacan buuxda oo loos ah maalin walba ay arki karaan isbeddel caafimaad oo ku yimaada.

Waxay sheegeen in boqolkiiba 17 uu hoos u dhigayo isku buuqa.

Dadka maalin walba cuna 30 garaam oo los ah — noocyadiisa walnuts, almonds, Brazil nuts, cashews, hazelnuts, iyo pistachios – ayaa la ogaaday inaysan qabin xanuunka qulubka.

Baarayaasha ayaa u maleynaya in maaddooyinka suntan ka ilaaliya jirka eek u jira looska ay saameyn wanaagsan ku leeyihiin caafimaadka maskaxdeenna.

Daraasadda laga sameeyay arrintan ayaa xogteeda laga soo qaatay kala bar milyan qof oo u dhashay dalka Britain kuwaasoo sanado la baarayay.

Daraasaddan ayaa lagu daabacay joornaalka Clinical Nutrition.

In carruurta yaryar – ee ay da’doodu u dhaxeyso afar iyo lix bilood – la siiyo looska shiidan ayaa si aad ah u yareyn karta xasaasiyadda, sida ay sheegeen saynisyahannada.

Baaritaan la sameeyay bishii March ee sanadkan ayaa lagu sheegay in looska shiidan oo la siiyo ilmaha ay yareneyso 77% xasaasiyadda.

Waxay sheegeen in talada dowladda ee ah inaan carruurta la siin cunno adag ilaa ya ka gaarayaan lix bilood, ay tahay in la beddelo.

Khubarrada ayaa ka digay in carruurtu ay ku margan karaan looska oo sidiisa ah haddii la siiyo kuwa ka yar da’da shanta sano.

Talada waaxda caafimaadka ee Ingiriiska, NHS, ayaa ah in looska la jejebiyo amaba la shiido, markaasna la siin karo marka ay carruurto gaaraan lix bilood.

Maaddooyinka sunta ka hortaga ee ku jira dufanta omega-3 ee laga helo nooc looska ka mid ah oo lagu magacaabo walnuts ayaa sare u qaadi kara xusuusta iyo hab fekerka.

Dhanka kale, loosku wuxuu leeyahay dufan caafimaad leh iyo saliido ay u baahan tahay maskaxdeenna si ay si hagaagsan ugu shaqeyso, iyo sidoo kale fitamiinno iyo macdan sida tan selenium eel aga helo looska nooca Brazil nuts.

Saynisyahannada ayaa ku talinya in maalintii la cuni karo ilaa 1/4 koob.

Waxaa looskan lagu dari karaa waxyaabaha kale ee aa cunno amaba sidooda ayaa loo cuni karaa.

Looska nooca almonds, waxaa ka buuxa dufan u fiican wadnaha, maaddada fibre iyo vitamin E, waxaana ku jira xaddiga ugu badan ee calcium.

Maaddadan calcium ayaa ah mid uu jirkeennu u baahan yahay waxayna ilaalisaa lafaha iyo sidoo kale neerfayaasha iyo murqaha.

Dufanta faa’iidada leh iyo fibre-ka badan ee ku jira almonds ayaa la micno ah inay naga caawin karaan xakameynta heerarka cholesterol-ka, si loo ilaaliyo caafimaadka wadnaha.

Inaad cunto looskan oo qoloftiisa qaba ayaa sii leh faa’iidooyin gaar ah; wuxuu caawiyaa dheefshiidka.

Waxaa maqaarka looskan ka buuxa maaddooyin jirkeenna ilaaliya oo ay ka mid tahay flavonoids oo jirkeenna sunta ka ilaalisa.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Cudur halis ah Oo Somalia ku Dilay 54 qof & Digniin Culus oo laga soo saaray

Heemaaln

Midabka Kaadidaada Ka Ogow Caafimaadka Kalyahaaga.

Heemaal

Xanuunka Dhiig Karka, Calaamadihiisa, Sobobta Keenta, Dawadiisa Iyo Ka Hor Taga.

Heemaal