Heemaal News Network

Ciidamo Lagu Soo Tababaray Eritrea Oo Xirtay Gagagada Dayaaradaha Boosaaso

Askar katirsan ciidamadii lagusoo tababaray dalka Eritrea, ayaa maanta xirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan.

Ciidamadan ayaa dhowr bilood ka hor markii dalka dib loogusoo celiyay waxay qeybtooda kasoo jeeda Puntland tageen magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, iyagoo lagu daray ciidamada mariiniska Puntland ee uu taageero Imaaraatka Catabta.

Maanta ayay ciidankan la wareegeen kantaroolka laga galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo halkaas ku soo rogay Bandow ka dhan ah dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Falkaan ayaa kusoo beegmay xilli magaalada Boosaaso uu maanta ka dhacay qarax sida wararku sheegayaan uu ku dhaawacmay sarkaal katirsan ciidamada Puntland, ilaaladiisa iyo dad shacab ah.

Gaari uu la socday taliyaha ayaa lala eegtay qarax miinada dhulka lagu qariyo. Lama oga cidda ka dambeysa, inkastoo qaraxyadii dhawaanahaan ka dhacayay magaalada Boosaaso ay sheegteen kooxda Alshabaab.

Amniga Boosaaso ayaa aad laga deyrinayaa xilli laamaha ammaanku ay dhawaan sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin amni oo lagula dagaalamayo kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dowladda Federaalka Oo Amartay in la Xiro Qunsuliyadaha Itoobiya Ee Garowe iyo Hargeysa

Heemaaln

“Dambiilaha Meel kasto Oo uu Joogo waala soo Qabanaa”Gudoomiye Madaale Oo la Hadlay Aabaha

Heemaaln

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Qaabilay Gudomiyaha Midowga Culimada Islaamka.(Sawiro)

Heemaaln