Heemaal News Network

Ciidanka Booliiska Somaliland Oo War kasoo Saaray Xariga Fanaanada Ugbaad Aragsan

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa war ay soo saareen ku sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi, taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna wanaagsan.

Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaaya waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta, dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen, waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga. ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliiska Somaliland