Heemaal News Network

Roobab Mahiigaan ah Oo Khasaaro Gaystay Oo ka Da’ay Magaalada Dubai.(Sawiro)

DUBAI –Roobab mahiigaan ah ayaa ka da’ay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Roobabka ayaa gaystay khasaare kuwaas oo gooyay wadooyinka muhimka ah, iyadoo uu aad u yaraaday isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka oo inta badan istaagay.

Daadad ka dhashay roobabka da’aya ayaa keentay inay biyo galaan xaafadaha isku raranka Dubai Mall Iyo Dubai Metro station.
Geesta kale duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Dubai, oo ah kan ugu mashquulka badan ee socdaalka caalamiga ah, isla markaana ah hoyga shirkadda xamuulka qaada ee Imaaraadka.

Dhanka kale, tirada dadka ku dhintay daadadkii xoogganaa ee ka dhacay dalka ay deriska yihiin ee Cumaan ayaa gaadhay 18 qof, iyadoo qaar kalena weli la la’yahay.