Heemaal News Network

Ciidanka Booliiska Oo Gacanta kusoo Dhigay Nin Muqdisho ku Gowracay Wiil Uu Adeer u ahaa

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen degmada Xamar jajab kusoo qabtay nin la sheegay inuu gowracay wiil yar uu Adeer u ahaa.

Ninkaan ku eedeysan inuu gowracay wiilka yar oo da’diisa lagu sheegay 8 sano ayaa Booliiska Soomaaliya waxa uu sheegay iney ku hayaan baaritaan dheeraad ah, islamarkaana la hor keeni doono Cadaaladda.

Dhacdada uu ninkaan ku gowracay wiilka yar ayaa ka dhacday Axadii lasoo dhaafay xaafad ka tirsan degmada Xamar jajab, hayeshee lama oga wali sababta rasmiga ah ee keentay inuu ninkaan gowraco wiilka uu Adeerka u ahaa.

“Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa galabta qabtay nin gowracay Wiil uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah gobolada dalka waxaa mararka qaar ka dhaca dhacdooyin noocaan oo kale ah, waxaana dhacdadaan maalmahii lasoo dhaafay si weyn looga hadal haayay degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamada Amniga Oo Caawa Muqdisho ku Qabtay Nin watay Boorso Qaraxyo Lagu soo Qariyay.(Sawirro)

Heemaaln

Puntland: “Xamar ma Midhi karto Xafiisyada Itoobiya Ee Garoowe iyo Hargeysa,Xasan-na Nama Xukumo.”

Heemaaln

Dowladda Oo Looga Digay inay Khatar Siyaasadeed iyo mid Amni ay Geliso dalka.

Heemaaln