Heemaal News Network

Cinqaab Caalami Ah Oo Lagu Soo Rogayo Maamulka Hargaysa

Sida ku cad mabda’a aasaasiga ah ee sharciga hawada caalamiga ah ee Chicago, dal kasta oo dunida ah waxa uu leeyahay madaxbanaani buuxda oo gaar ah marka laga hadlayo hawada sare ee dhulkiisa.

Qodobka waxaa si aan leexleexad lahayn loogu xaqiijiyay Axdiga Paris ee Xeerka Hawada, iyo heshiiskii Chicago ee duulista rayidka caalamiga ah ee maanta dunida oo dhan u ah marjaca.

Heshiiska duulimaadyada Rayidka ee Caalamiga ah, oo ay diyaariyeen sanadkii 1944-kii 54 dowladood, ayaa loo aasaasay si kor loogu qaado iskaashiga iyo saaxiibtinimada quruumaha dadyowga adduunka.

Dagaalkii labaad ee aduunka kadib, waxaa la dajiyay xeerar lagu maamulayo hawada aduunka, iyada oo wadan walba uu leehaya xaquuqa ku cada sharciga caalamiga ah.
Hadaba dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa khilaaf ka taagan yahay hawada Soomaaliya. Somaliland ayaa sheegtay in ay ka falcelin doonto amaro ay dawladda Soomaaliya ku joojisay dhawr duulimaad oo u socday Hargeysa.

Sida ay xaqiijisey Hay’adda Dullista Rayidka Soomaaliya, garoonka diyaaradaha laga hago ee Hargeysa ayaa xog qaldan la wadaagay diyaarado caalami ah oo isticmaalaya hawada sare ee Soomalaiya.

Arrintaan ayaa waxa ay khubarada shuruucda duulimaadku qabaan in ay ka dhalan karto cawaaqib sharci oo aad u wayn, kaas oo noqon kara mid heer caalami ah.

Maxamed Abuukar Nuur oo ah khabiir ka faallada arrimaha hawada ayaa BBC-da u sheegay in cidda walba oo isku dayda in carqaladayso hananka dulimaayada caalamiga ah sharciga caalamiga lala tiigsan doon.

Qofkii diyaarada qalqal galiya waxay la mid tahay nin diyaaradihii aduunka qalqal galiyay, waxayna la mid tahay qof diyaaradihii “afduubay oo dhibaato geystay” Cawaaqibka ka yimaadana Soomaali kalama xisaabtameysee, aduunyadaa kala xisaabtamaysa [Somaliland,

ayuu yiri Maxamed oo la hadlayay BBC-da.

Sababta uu kiiskaan u noqon mid caalami ah ayaa waxa uu ku sababeeyay in diyaaradaha uu saameyn doono qalqalkaasi ay yihiin kuwa caalami ah oo isaga kala goooshaya adduunka oo dhan.

“Qalbka lagula xariiro diyaaradaha waa amaano caalami ah oo Soomaalida lagu aaminay marka cidii isku dayda waa lagula xisaabtami” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah, waxaa maanta kulan ka dhacay aaladda fogaan araga ee Zoomka Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Hawada ee ICAO ay su’aalo ku waydiisay masuuliyiinta Hay’adda duulista Rayidka Soomalaiya, kulankaas ayaa daba socday kadib cabashooyin ay dhawr diyaaradood hay’adda ICAO u gudbiyeen.

Dal kastaa waxa uu xaq u leeyahay inuu nidaamiyo soo gelitaanka diyaaradaha shisheeye ee dhulkiisa cid kasta oo kusoo xadgudbadan waxaa jira tilaabiyin qabanaya oo ku xusan sharciga Chicago.

Arrinta badqabka duulista rayidka ayaa beesha caalamka ku mashquulsanayd muddo nus qarni ku dhow, hay’adda duulista rayidka ah ee caalamiga ah ayaa kaalin hormuudnimo ka qaadatay samaynta halbeegyo sharci ah iyo heshiis lagu ilaalinaya.

Sharciga ayaa dhigay in dal walb in uu bixiyo khasaaraha ka dhashay dhibaatada uu u gaysto duulimada rayidka caalamiga ah.

Axdiga qaramada midoobeey ayaa mamnuucay qalqal galinta duulimaadka rayidka ah ee dunida iyadoo lagu tilmaamay rakaabkii ku safrayay diyaaradda inay yihiin rayid lagu ilaaliyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.
Marka laga yimaado sharcigan caalamiga ah ee duuulista rayidka ee soo bilaawday 1944 kii markii uu aduunku kulmay, lana ogaaday muhiimada uu sharcigan leeyahay, waxaa leysku afgartay in dal walba uu sameysto sharci ama dastuur uu ku dhaqo waax-yihiisa duulista.

Dowladda Soomaaliya oo taas ka duulaysa ayaa meel mariyay sharciga Duulista rayidka hawada samadkii 2020-kii kaas oo aan wax badan kaga duwanay midka caalamiga ah .

Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa jiray khilaaf soo xoogaysanaya oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jamuuriyada iskeeda iugu dhawaaqay madax banaanida ee Soomaalialnd taas ku saabsan hawada .

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Gudoomiyaha Gobalka Sool Oo Baaq Culus Ujeediyay Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo

Heemaal

Wasiirada Difaaca Ee Turkiga iyo Somaliya Oo Heshiis Dhinaca Difaaca ah kala Saxiixday.

Heemaaln

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Qaabilay Gudomiyaha Midowga Culimada Islaamka.(Sawiro)

Heemaaln