Heemaal News Network

Daawo Askar Yuhuuda Ah Oo Isku Ekaysiiyey Dhakhaatir Oo Bukaano Ku Dilay Isbitaal Ku Yaala Jenin

Askarta Israa’iil oo iska soo ekeysiiyay dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad iyo dad rayid ah ayaa weerar ku qaaday cisbitaal ku yaalla magaalada Jenin ee waqooyiga daanta galbeed ee la haysto, iyagoo dilay saddex falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan laba wiil oo walaalo ah.

Toban ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Israa’iil oo u labisan sida dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, iyo sidoo kale dad rayid ah oo sita qoryaha darandooriga u dhaca, ayaa weerar ku qaaday cisbitaalka Ibn Sina, waxaanay adeegsadeen hub aan shanqadhiisa la maqlayn marka ay rasaastu ka dhacayso, si ay u dilaan saddex dhallinyaro ah, wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sidaas sheegtay Talaadadii, iyadoo soo xiganaysa ilo ku sugan cusbitaalka. .

Saddexda falastiiniyiinta ah ee la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Mohammad iyo Basil Al Ghazzawi, iyo Mohammad Jalamna, iyadoo Basil oo 25 jir ah lagu daweynayo isbitaalka markii askarta Israel ay dhaawaceen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka.

Muuqaal la soo dhigay barta bulshada ee X ayaa la arkayaa askar israaiiliyiina oo sita qoryo, isla markaan argagax galinaya dadka bukaan ka ah iyo shaqaalaha isbitaalka, mid ka mid ah askartaa oo dhar madow ku hilaaban ayaa la arkayaa isaga oo ku khasbaya Falastiiniyiin in ay jilbaha dhulka dhigaan gacmahana kor u taagaan.

Argagax ayaa ka dhex muuqday dadkii isbitaalka ku jiray markii askarta Israa’iil ay gudaha u galeen qoriga ay gacanta ku hayaan oo ay u muuqdeen kuwo ku qeylinayay bukaannada.

Wasiirka caafimaadka Falastiin, Mai Alkaila ayaa ku booriyay Qaramada Midoobay iyo kooxaha xuquuqda caalamiga ah inay joojiyaan dambiyada maalinlaha ah ee Israel ka geysanayso Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto, iyo sidoo kale in laga ilaaliyo xarumaha caafimaadka ee Falastiiniyiinta weerarada.

Kooxaha falastiiniyiinta ee ku sugan magaalada Jenin ayaa ku baaqay mudaharaad guud oo ay kaga cabanayaan dilka loo geysanayo Falastiiniyiinta.

Xiisad ayaa ka jirtay guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii uu dagaalka Israa’iil ee Qaza billowday 7-dii Oktoobar.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin, in ka badan 380 falastiiniyiin ah ayay ciidammada Israa’iil ku dileen Daanta Galbeed ee la haysto tan iyo 7-dii Oktoobar, iyadoo in ka badan 4,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Waali Cas: Natanyahu Oo Shiinaha Ka Dalbaday 40K Oo Taandho

Heemaal

Israa’iil Oo ku Dhawaaqday Inay Goosaneyso Qayb ka mid ah Danta Galbeed Ee la Haysto

Heemaaln

Israel Oo Bartilmaamedsatay Kuna Xasuuqday Caruur Xerada Qaxootiga Ee Nuseirat

Heemaal