Muuqaalo la soo qaaday maanta ayaa daaha ka rogay shilkii lama filaanka ahaa ee diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Cirka ee Ruushka Su-27 “Flanker” ku burburay meel u dhow magaalada Sevastopol, oo ku taal Crimea, oo ah deegaan uu Ruushka hadda haysto. Dayaaradan ayaa qiimaheedu dhan yahay 32 milyan oo dollar.