Heemaal News Network

Deni Oo Kulankii Ugu Horeeyey la Qaatay Golaha Cusub Ee Wasiirada Puntland.(Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan Afur ah ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada xubnaha Golaha Wasiirada cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markale u hambalyeeyay xubnaha Golaha Wasiirada oo ay usoo dhammaatay xilwareejintii ay xafiisyada kula wareegeen, wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda ay Bulshada u qaadeen.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubnaha Golaha Wasiirada, La-taliyeyaal, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweynaha Somaliland Oo si Adag Uga Hadlay Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia

Heemaaln

Dagaal u Dhexeeya Maleeshiyo kasoo kala jeeda Puntland & Galmudug Oo ka socda..

Heemaaln

“Madaxweyne Xeerkan Haku Ceeboobin” Golaha Guurtida

Heemaaln