Heemaal News Network

Digniino Weerarro Amni Oo ku Wajahan London Paris iyo Madrid Oo lasoo Saaray

Ammaanka ciyaaraha Champions League ayaa sare loo qaadi doonaa usbuucan ka dib markii warbaahinta taageerta kooxda Daacish ay daabacday hanjabaaddo ka dhan ah goobaha ay ciyaarahu ka dhacayaan ee koobka Champions League ay ka lagu qabanayo.

Wasiirada labada dal ee France iyo Spain ayaa xaqiijiyay tilaabooyin amni xoojin ah oo la qaaday.

Mid ka mid ah warbaahinta taageerta IS ayaa daabacday sawirro garoomo dhowr ah oo martigelinaya kulammada rubuc dhammaadka isku aadka horyaalka Champions League ee dalalka Yurub.

Uefa ayaa sheegtay in ay ka warqabto khatarahaas, balse waxay sheegtay in ciyaaraha Madrid, Paris iyo London ay u dhici doonaan sidii loogu tala galay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay inay jiri doonaan oo “si la taaban karo loo xoojin doono” tillaabooyinka ammaanka ahna la diyaariyay marka ay PSG la ciyaarayso Barcelona Arbacada magaalada Paris.

Mr Darmanin oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaan idin xasuusinayaa in 10 maalmood ka hor, IS ay soo bandhigtay sawirka garoonka Munich, waxayna sheegtay in tallaabo laga qaado goobaha ciyaaraha lagu ciyaaro ee lagu qabto ciyaaraha kubbadda cagta, in kastoo dhammaan cayaaraha la bartilmaameedsan karo. waa kubbadda cagta, dabcan waxaan la hadlaynaa saaxiibadayada.”

Sawirrada Jihaad-doonka ah ee toddobaadkan la soo bandhigay, ayaan loo jeedin wax ciyaar ama dhacdo gaar ah oo ay wadaageen kooxaha warbaahinta taageera ee IS oo aan si rasmi ah xidhiidh ula lahayn ururka laftiisa.

Toddobaadkan waxaa lagu wadaa in magaalada Madrid lagu qabto laba ciyaarood oo afar dhammaadka ah. Real Madrid waxay martigelin doontaa Manchester City Talaadada, halka Atletico Madrid ay Arbacada la ciyaari doonto Borussia Dortmund.

Pilar Alegría, oo ah wasiirka ciyaaraha Spain, ayaa soo saaray fariin “dejin” ah ka hor ciyaaraha ka dhacaya Madrid, wuxuuna sheegay “in ka badan 2,000 oo boolis ah iyo askarta ilaalada madaniga ah” la hawlgelinayo. Ku-simaha duqa magaalada Madrid, Inmaculada Sanz, ayaa u sheegtay warbaahinta Spain inaysan jirin khatar gaar ah, iyadoo intaa ku dartay in heerka digniinta argagixisada ee Spain uu yahay afar ka mid ah shanta heer, taasoo lagu tilmaamay inay tahay khatar heerkeedu sarreeyo.

“digniinahan inta badan waa ficillo dacaayad ah oo lagu kicinayo cabsi,” ayay tidhi.

“Laamaha amniga iyo sirdoonka labaduba waxay daraaseynayaan khatar kasta oo suurtagal ah, laakiin ma jirto wax noo suuro gelinaya inaan sii ogaanno xaalad khatar gaar ah leh” ayay sii raacisay.

Ilo ka tirsan la dagaalanka argagixisada ayaa BBC-da u sheegay in Daacish aysan si caadi ah u xayaysiin weerarada qorsheysan ee ay qaadayaan, iyadoo sabab looga dhigay toogashadii bishii hore ka dhacday tiyaatar ku yaalla magaalada Moscow. Taas hore ugama hadlin kanaalada baraha bulshada.

Arsenal ayaa magaalada London kula ciyaari doonta kooxda Bayern Munich caawa. Ku-xigeenka Kaaliyaha Bilayska Caasimadda Ade Adelekan ayaa yiri: “Waan ka warqabnaa wararka online-ka ah iyo warbaahinta ee la xiriira baaqyada lagu beegsanayo ciyaaraha Yurub oo dhan iyo halkan London.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan rabaa in aan shacabka aan ugu laab qaboojiyo in aanu wadnay qorshe boolis oo adag kulanka caawa, waxaana sii wadnaa in aan si dhow ula shaqeyno mas’uuliyiinta amniga kooxaha si aan u xaqiijino in ciyaartu ay si nabad ah u dhacdo”

Kanaal taageera IS ayaa soo bandhigay sawirada Emirates Stadium ee London, Bernabeu iyo Metropolitano Stadium ee Madrid, iyo sidoo kale garoonka Parc des Princes ee Paris.

Inkastoo kanaalkan uusan si rasmi ah xiriir ula lahayn kooxda Daacish, haddana waxaa loo maleynayaa in amarka lagu daabacay hanjabaadaha laga yaabo inuu ka yimid kooxda Daacish qudheeda, iyadoo hoggaankeedu uu dhawaan ka dhawaajiyay xiriir dhow oo u dhexeeya hawlwadeennada warbaahinta rasmiga ah iyo taageerayaasha internetka ay jiraan.

Waxyaabaha lagu doonayo in lagu kiciyo weerarrada kanaalada xiriirka dheer la leh kooxda ayaa kordhay ka dib weerarkii hoolka riwaayadaha ee Moscow bishii hore, sida ay sheegeen khubaro ka tirsan qaybta Dabagalka ee BBC-da.

Kahor kulanka Arsenal ay caawa ku wajaheyso Bayern Munich garoonka Emirates Stadium, afhayeen u hadlay ayaa sheegay in shaqaalaha goobta ay “si dhow ula shaqeynayeen Booliska caasimadda”.

“Qorshahayaga kulanka caawa ma aha mid ka duwan, qaabkeena, wada shaqaynta Booliska iyo UEFA, waa mid u dhiganta heerka khatarta UK ee hadda”.

Ku Xigeenka Kaaliyaha Taliyaha Bilayska Magaalada London, Ade Adelekan, ayaa sheegay in saraakiishu ay hayaan “qorshe boolis oo adag” ciyaarta caawa, laakiin wuxuu ka codsaday dadweynaha inay “feejignaadaan”.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Raysal wasaaraha Ireland Oo si Deg-deg ah Xilka Uga Dagay.

Heemaaln

Daawo Cadaymaha ku Gadaaman Weerarkii Hotel SYL .

Heemaaln

Guddoomiyaha Xarardheere Oo ka Warbixiyey Dagaalkii Maanta.

Heemaaln