Heemaal News Network

Soomaaliya Oo Shirka G77 Ku Soo Bandhigtay Daandaansiga Itoobiya Ku Hayso

Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir-madaxeedka ururka dalalka ku bahoobay G-77 iyo China, ayada oo halkaasi kusoo bandhigtay mowqifkeeda heshiiskii Addis Ababa iyo xad-gudubka ay ku kacday Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo Kampala shirkaan uga qeyb-galay ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo gobonnimada dalalka ku midaysan dalladan.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale xusay in xad-gudubka Itoobiya kusoo fara-gelisay arrimaha Soomaaliya uu yahay mid halis ku ah ammaanka gobolka, isla markaana aan la aqbali karin.

Shir-madaxeedkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dalalka ku bahoobay ururkan G-77 ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, horumarka waara, isbeddelka cimilada iyo ciribtirka faqriga.

Waxa kale oo uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dalalkan ku bahoobay dalladan, isagoo xusay in Soomaaliya ay samaysay horumarro waawayn ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo la dagaallanka argagaxisada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey meel adag iskaga taagtay heshiiskii Addis Ababa, waxayna oo soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiis beenaadkaasi ayaa xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, sidoo kalena waxaa si weyn uga gil-gishay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xassan Sheekh Oo Kulan Degdeg Ah Iskugu Yeedhay Labbada Golle

Heemaal

Qaar kamid ah Aqoonyahanka Somaliya Oo ku Dhawaaqay inay u Taaganyihiin Difaaca Badda

Heemaal

Itoobiya: Golaha Amaanka Oo Dib Ugu Soo Ceshay IGAD Iyo AU Xadgudubka Heshiiska Badda

Heemaal