Heemaal News Network

Dowlada Somaliya Oo Gaari Qalabeysan ku Wareejisay Maamulka Khaatumo State

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Cali Xaaji Haji Aden ayaa Gaari qalabeysan oo naaca gargaarka deg dega ah (ambulance) ku wareejiyey Xildhibaan Farxiya Yuusuf Cumar Faahiye oo ka wakiil ah Isbitaalka Casuura ee deegaanka Yagoori ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gaarigan qalabaysan uu wax wayn ka tari doono qeybta Caafimaadka deegaanka Yagoori ee maamulka SSC-Khaatuma, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankeeda Xildhibaan Farxiya Yuusuf Cumar ayaa ka mahadcelisey Gaadiidka lagu wareejiyey waxa ayna tilmaamtey in loogu adeegi doona dadka deegaanka yagoori iyo deegaanada ku xeeran si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada ku nool deegaanadaasi.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Cudur halis ah Oo Somalia ku Dilay 54 qof & Digniin Culus oo laga soo saaray

Heemaaln

Caafimaadka Laga Hello Cunista Kaluunka Dufanka Leh.

Heemaal

Cisbitaalka Hargeysa Oo Hadda War ka soo Saaray Maydka Marxuum Cabdinaasir

Heemaaln