Heemaal News Network

Dowladaha Somalia iyo Turkiga Oo kala Saxiixday Heshiis kale Oo Xasaasi ah.(Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Dalka Turkiga ayaa heshiis la galay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska Hormarinta Hydrocarbon Soomaaliya iyo sida looga faa’iidaysanayo.

Qoraal uu soo dhigay Wasiirka bartiisa X ayuu ku yiri, “Aniga iyo dhiggeyga dalka Turkiga Mudane Alparsalan Bayraktar waxaan maanta kala saxiixday heshiis dawladeed laba-geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin.

“Tani waa munaasabad muhiim u ah labadeenna dal, waxaana si gaar ah dalka Turkiga uga mahadcelinaynaa taageeradooda ku aaddan xoojinta iyo xawaareynta wax-soo-saarka dhanka Hydrocarbons-ka ee Soomaaliya.” ayuu intaas ku daray.

Dhowaan ayey aheyd markii Golayaasha fulinta iyo sharcidejinta ee Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis kale oo muhiim ah oo horraantii bishan Soomaaliya la gashay dawladda Turkiga.

Heshiiskan ayaa lagu magacaabaa “Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha,” waxaana 8-dii bisha lagu saxiixay dalka Turkiga.

Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa shir ay yeesheen heshiiskan ku ansixiyey. Wax yar kadibna waxaa heshiiska ansixiyey xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay xiriirka iyo heshiiska Turkiga, ayaa ammaanay taageerada uu Turkigu u fidiyey Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Turkigu uu Soomaaliya ka caawiyey dhinaca arirmaha bani’aadannimada, la-dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhinaca dhaqaalaha sida kabka miisaniyadda.

Waxa uu sheegay in badda Soomaaliya ay muddo ah la kulmaysay kalluumaysi sharc-darro ah, iyo in lagu shubo agab wasakhaysan, hase yeeshee hadda ka hor aysan helin Soomaaliya cid ka kaalmaysa.

Waxa uu sheegay in sababta Soomaaliya kaalmada u weydiisatay Turkiga aysan ahayn in Itoobiya lala dagaalamo ama lagu duulo. Ujeeddadu waxa weeye ayuu yiri, waa in na lagu kaalmeeyo baddeena sidii aan u difaaci lahayn.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xamse Barre Oo ka Hadlay Maalinta 12ka Apriil & Waxa ay ka Dhigan tahay.

Heemaaln

Banaanbax Wayn Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho

Heemaal

R/w Xamse” Wali waxaan Rajo ka Qabnaa in Ethiopia ka Noqoto Heshiiskii Bada Ee Somaliland

Heemaaln