Heemaal News Network

Mareykanka Oo Mar kale Raashiin Gargaar ah Hawada Uga Daadiyey Gaza.(Sawirro)

“Howlgalka wadajirka ah waxaa ka qeyb qaatay ciidamada cirka Mareykanka iyo diyaaradaha Jordan C-130 iyo askarta ciidamada Mareykanka ee ku takhasusay gaarsiinta hawada sare ee saadka gargaarka bini’aadanimo ee Mareykanka, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka.

“Dayuuradaha C-130 waxay in daadiyeen ka badan 38,000 oo cunto ah, iyagoo siinaya gargaar bini’aadanimo oo nafo lagu badbaadinayo dadka ku dhaqan Waqooyiga Gaza, si ay awood ugu yeeshaan rayidka inay helaan gargaar muhiim ah.

Hawlgalkii ugu horeeyay ee wada jirka ah ee raashiinka laga soo dejinayo hawada ayaa dhacay Sabtidii , iyadoo midkii labaad uu dhacay Talaadadii .

Xukuumadda Israa’iil waxay ogolaatay rubuc ka mid ah hawlgallada gargaarka ee Qaramada Midoobay ee qorshaysnaa inay galaan aagagga waqooyiga Gaza bishii Febraayo, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa bayaan ku sheegay Khamiistii maanta.

“Lix ka mid ah 24-ka howlgal ee la qorsheeyay in lagu tago waqooyiga Wadi Gaza ayaa la fududeeyay bishii Febraayo, ugu horrayn waxaa sabab u ah hakad ku yimid shaqada, ka dib markii kolonyo cunto ah oo ay Qaramada Midoobay isku dubariday ay rasaas ku fureen ciidamada badda Israa’iil 5tii Febraayo,” sida lagu sheegay bayaanka OCHA.

Hay’adda ugu weyn ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Gaza ayaa sheegtay 5-tii Febraayo in mid ka mid ah baabuurteeda oo sugayay in ay gargaar u qaadaan waqooyiga Qaza ay haleeshay Gantaal Israa’iil ay soo riday.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wasiir Israel ah Oo Eedeyn Culus u jeediyey Biden (Wuxuu taageeraa Xamaas)

Heemaaln

Ra’iisul Wasaarihii Hre Ee Yuhuuda Oo ka Digay Talaabo Uu Qorsheynayo Netanyahu

Heemaaln

Khasaaraha Qaza Ayaa Sare U Kacay Iyadoo Qoysaska La Haystayaashu Si Kulul U Cambaareeyeen Netanyahu

Heemaal