Heemaal News Network

Khasaaraha Qaza Ayaa Sare U Kacay Iyadoo Qoysaska La Haystayaashu Si Kulul U Cambaareeyeen Netanyahu

Israa’iil ayaa ugu yaraan toddobo qof oo rayid ah ku dishay xerada qaxootiga ee Nuseirat oo ku taal bartamaha Gaza ee go’doonsan iyo xaafadda Al Amal ee Khan Younis, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeeyay guri ku yaala xerada, taasoo keentay in la dilo shan qof oo rayid ah, tiro kalena lagu dhaawacay, sida ay sheegtay WAFA.

Diyaaradaha Israel ayaa sidoo kale weerarro kala duwan ku qaaday xaafadda Al Amal, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan laba qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, ayay tidhi.

Doonyaha hubaysan ee Israel ayaa sidoo kale duqeeyey, dhowr gantaal ku dhuftay, xerada qaxootiga ee al Shati oo ku taal koonfurta ee go’doonsan Gaza.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maraykanka Iyo Israaiil Oo Isku Khilaafsan Dhisida Dawlad Falasdiin

Heemaal

Gaza: Dad kusoo Noqday Goobihii Burburay Ee Khan Younis

Heemaaln

Wasiir Israel ah Oo Eedeyn Culus u jeediyey Biden (Wuxuu taageeraa Xamaas)

Heemaaln