Heemaal News Network

Maraykanka Iyo Israaiil Oo Isku Khilaafsan Dhisida Dawlad Falasdiin

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa diiday baaqyada Mareykanka ee ahaa in la yareeyo weerarka milatari ee Israa’iil ay ku hayso Marinka Gaza ama ay qaadaan tillaabooyin ku aaddan dhismaha dowlad Falastiin ah dagaalka ka dib.
Xiisadda labada dal ee xulafada ah ayaa in muddo ah taagneyd taasoo ku saabsan baaxadda dagaalka Israa’iil iyo qorshaheeda mustaqbalka ee dhulka go’doomiyey.

“Sida iska cad waxaan u aragnaa si ka duwan,” afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa yiri

Netanyahu ayaa hadlay maalin uun ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu sheegay in Israa’iil aysan waligeed heli doonin “amni dhab ah” haddii aan la helin waddo loo maro madax-bannaanida Falastiin. Horraantii toddobaadkan, Aqalka Cad ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay tahay “waqtiga saxda ah” ee Israel ay hoos u dhigi lahayd xoojinta weerarkeeda milatari ee ba’an ee Gaza.

Shir jaraa’id oo uu qabtay taleefishinka qaranka, Netanyahu waxa uu ku celceliyay in Israa’iil aysan joojin doonin weerarkeeda ilaa ay ka xaqiijinayso hadafkeeda ah in ay burburiso kooxda Xamaas ee Gaza iyo in ay guriyahooda ku soo celiso dhammaan la haystayaasha ku jira gacanta ee Xamaas.

Waxa uu diiday eedeymaha ku dhaleeceynaya Israa’iil ee ah in hadafyadaas aan la gaari karin, isagoo wacad ku maray inuu horay u sii wadi doono dagaalka bilo badan. “Marna ma aqbali doono wax ka yar guul ” ayuu yiri Netanyahu.

Israa’iil ayaa qaaday dagaal ka dib weerar aan noociisa hore loo arag oo xudduudaha ka tallaabay oo ay Xamaas ku qaadday 7-dii Oktoobar kaasoo ay ku dhinteen 1,200 oo qof ayna ku qafaasheen ilaa 250 kale. Ku dhawaad 130 la haystayaal ayay Israa’iil aaminsan tahay in ay ku sii jiraan gacanta Xamaas.

Dagaalkan ayaa xiisad ka abuuray guud ahaan gobolka. Weerarka Israa’iil, oo ah mid ka mid ah ololayaashii militari ee ugu dhimashada badnaa uguna khasaaraha badnaa taariikhda dhow, ayaa dilay ku dhawaad 25,000 oo falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka Gaza, waxa uu sababay burbur baahsan oo xididdada u siibay in ka badan 80% dadka dhulkaas ku noolaa oo gaaraya 2.3 milyan ah.

Kharashka faraha badan ee dagaalka ayaa sababay in ay sii kordhaan baaqyada ka imaanaya beesha caalamka ee ku aadan in la joojiyo weerarka.

Maraykanka ayaa sheegay in maamulka Falastiiniyiinta ee caalamku aqoonsan yahay, kaas oo maamula aagagga is-maamul hoosaadka ee Daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato, ay tahay in “dib loo soo nooleeyo” oo dib loogu celiyo Gaza. Xamaas ayaa maamulka Gaza ka saartay sanadkii 2007dii.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Israel Oo Duqeysey Xarunta Q/Midoobay Ee Khan Younis, ka Dibna Dafirtay.(Sawirro)

Heemaal

Booliiska Israa’iil Oo Xiray Gabar la Dhalatay Hogamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyeh.

Heemaaln

Khasaaraha Qaza Ayaa Sare U Kacay Iyadoo Qoysaska La Haystayaashu Si Kulul U Cambaareeyeen Netanyahu

Heemaal