Heemaal News Network

Dowladaha Somaliya iyo Tanzania Oo Isku af-gartay ka Shaqeynta Arrimo Badan Oo Labada dal

Dar Es Salaam, 27 April 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa maanta wadahadal ku yeeshay Madaxtooyada magaalada Dar Es Salaam.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo la iska kaashado dhinacyo badan oo ay ka wada faa’iideysan karaan labada dhinac.

Dhinacyada ay labada dal isku af-garteen inay ka wada shaqeeyaan ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda, amniga iyo difaaca, arrimaha bulshada, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, dalxiiska iyo dhammaan arrimaha Iskaashiga guud ee labada dal ay wadaagi karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhoweynta.

Dowladda Tanzania u fidisay isaga iyo wafdigiisa, iyo weliba sida ay Dowladda Tanzania u garab istaagtay qadiyadda dhowrista madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya kadib xadgudubkii ay ku kacday Dowladda Ethiopia oo heshiis sharci darro ah la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka mahadceliyay doorkii ay Tanzania ka qaadatay in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ee EAC, isagoo dhanka kalena xusay in Tanzania ay tusaale lagu dayan karo u tahay waddamada Afrika intooda badan marka loo eego dhinacyada xasiloonida siyaasadda, wadajirka ummadeed iyo amniga.

Waxaana uu soo dhoweeyay is-afgaradka labada waddan ee Iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa dhankeeda ka mahadcelisay booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ka qeyb-galkiisa xuskii sannad-guuradii 60-aad ee maalinta Midowga ee Jamhuuriyadda Tanzania.

Madaxweyne Samia ayaa xustay, isla markaana soo dhoweysay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee dhinaca amniga, diblomaasiyadda iyo adeegyada kale tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay bishii May 2022-ka.

Madaxweynaha Tanzania ayaa sheegtay in dalkeeda uu si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, ayna ku faraxsan tahay in bog cusub u bilowdo xiriirka labada dal, kaas oo ku saleysan iskaashi, wax wada qabsi iyo is ixtiraam.

Waxaa sidoo kale ay Madaxweyne Samia aqbashay martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay soo booqato Soomaaliya.

Kulanka gaarka ah kadib, ayaa waxaa labada Madaxweyne ay si wadajir ah u guddoomiyeen wadahadal rasmi ah oo labada dal ay yeesheen oo looga hadley sidii loo fulin lahaa qodobada ay ka wadahadleen ee iskaashiga labada dal.

Kulankaasi waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Macallin, Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis Jama, Danjiraha Soomaaliya u fadhida Tanzania Zahra Ali Hassan iyo saraakiil kale.

Dhanka Tanzania waxaa Madaxweyne Samia Suluhu Hassan wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane January Yusuf Makamba, Wasiirka Caafimaadka Dr Ummy Mwalimu, Wasiirka Qorsheynta Dr Kitila Mkumbo iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale maanta booqday Hay’adda Kaydinta Dawoyinka Tanzania ee MSD iyo Isbitalka Muhimbili halkaas oo warbixin ku saabsan qaabka ay labada dal uga wadashaqeyn karaan iskaashiga kobcinta adeegyada caafimaadka kaga dhegeystay Wasiirka Caafimaadka ee Tanzania Dr Ummy Mwalimu.