Heemaal News Network

Saraakiil Ciidan Oo ka socday Dalka Masar Oo soo Gaaray Magalada Muqdisho (Sawirro)

Wafdi saraakiil ah oo ka socday dalka Masar uuna hoggaaminayay Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) oo ah madaxa akadamiyadda booliiska dalka Masar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho .

Ujeedka socdaalka wafdigaan saraakiisha ah ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, oo saraakiisha kala hadli doono xiriirka labada ciidan iyo ka gacan siinta horumarinta booliiska.

Wafdigan oo ka koobnaa seddex Jenaaraal iyo saraakiil kale ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxa ayna saraakiishan kulamo la qaateen taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Xubnaha kale ee wafdiga qeybta ka ah ayaa waxaa ka mid ah Sareeye Guuto Taariq Maxamed Ibraahim (Maxamed Wali) iyo Sareeye Guuto Mohamed Ahmed Asim Zaki Ismail oo ah madaxa dugsiga tabarada amniga Qaranka Masar.

Booliiska Soomaaliya ayaa xoojinaya xiriirka kala dhaxeeya booliiska qaar kamid ah waddamada caalamka, waxa ayna booliiska Soomaaliya sannadihii u dambeeyay ku tallabsanayeen horumaro badan, iyaga oo tababaro kusoo qaatay dalal kala duwan.