Heemaal News Network

Dowladda Federaalka Oo Warbixin kusoo Koobtay Waxii Toddobaadkan ka Dhacay Muqdisho,

1- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

3- Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadahadalo la xiriira iskaashiga labada dal ku yeeshay Nairobi, isla markaana ku kala saxiixday heshiisyo iskaashi.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan kobcinta iyo horumarinta dhaqalaha dalka, isla markaana sheegay in hadaflka dowladda uu yahay in laga mira dhaliyo dadaallada ku aaddan horumarinta dhaqaale loo dhan yahay oo xasilloon.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Soomaaliya Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

7- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo la xiriira iskaashiga garsoorka iyo soo wareejinta dembiileyaasha xukuman ee xabsiyada ku jira.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul ee Jamhuuriyadda Gambia kaga qeybgaley Shir Madaxeedka waddamada Islaamka.

9- Ra’iisul WasaareKu-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mudane Hakan Fidan, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal.

10- Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daahfuray Shirka U Qareemidda Daryeelka Bulshada ee Mashruuca SAGAL oo ka furmay Muqdisho.

11- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa soo saartay digniino sheegaya inay dhacaan fatahaado saameyn ku yeelan kara degmooyinka dalka qaarkood, sida; Dolow, Luuq, Buaale, Jilib, Baled Weyne, Buulo Burde, Jalalaqsi, Mahadaay, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo aanu webiga marin.

12- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa saxaafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda ee 3-da May.

13- Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Daniraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Coppi.

14- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis, kana wadahadley barnaamijyada dib u xoreynta, xasillinta iyo soo kabashada hore, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha doorasho ee dowladda Soomaaliya.

15- Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeegga biyaha ee magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay mas;uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.
17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa kormeeray xarunta Guddigga Doorashooyinka Qaranka, isagoo warbixin la xiriirta howlaha socda iyo qorsheyaasha ka dhageystay howlwadeennada guddiga.
18- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda TIKA Turkiye ee Soomaaliya Mr. Zafer ESKI, kaas oo ay ka wada hadleen kor u qaadida xiriirka shaqo ee labada dhinac iyo iskaashiga dib u dhiska kaabayasha dhaqaalaha dalka.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan maaraynta hubka, rasaasta iyo walxaha qarxo, Waa shirkii uga weynaa ee la qabto tan iyo intii Soomaaliya laga qaaday cuna-qabateynta hubka horaantii bishii December 2023-kii.

20- Wasiir Ku-Xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones, ayaa si wadajir ah u qabtay kulanka Dib-u-eegistii Hiigsiga Horumarinta USAID.

21- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka ee Soomaaliya Marwo Maryan Maxamed Xuseen ayaa daah furtay ololaha qaliimada caafimaad iyo daweynta carruurta ku dhalata daloolada wadnaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan Hey’adda Samafalka ee Madaale Foundation iyo Isbitaalka takhasusiga Wadnaha ah ee Red Sea.

22- Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa tegay magaalada Baydhabo isagoo ku gudan jira dardar-gelinta hawgladda milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deeganadda Koonfuur Galbeed .

23- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan la yeeshay Ku-Simaha Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Chen Wendi.

24- Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir ayaa markii labaad dhageysatey kiiska dacwadda ah ee ka dhanka ah eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in xaaskiisa uu ku gubay magaalada Muqdisho.

25- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa deegaannada kala ah Sarmaan Dheere iyo Mooro Bus-Bus ee Gobalka Bay ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ku khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

26- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Fatxu-diin Cali Maxamed ayaa booqday mid kamid ah xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed, una kuur galey xaaladaha ay ku sugan yihiin muwaadiniinta ku xiran xabsiyadda dalkaasi.

27- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka NISA ayaa fashilisay isku day dil oo laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay ka fuli rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, iyagoo mid dilay , mid kalena gacanta ku dhigay.

28- La Taliyaha Madaxweynaha Danjire Daahir Mohamud Gelle ayaa madaxda sare ee dalka Libya gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheeikh Maxamud

29- Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed ayaa hawlgal milateri oo ka dhacay Giobolka Bakool ku dilay horgooje sare Cabdulaahi Maxamed Yare (Malaaq Qori).

=DHAMMAAD