Heemaal News Network

Ukuntii Ugu Qaalisaneyd Abid Oo Lagu kala iibsaday Lacag aad layaabi doonto !

Deeqsinimadu ma ahan arrin la xiriirta maalqabeennimada. Mana jirto tusaale kaga habboon sheekadan soo aadan. Hooyo Muslimad ah oo aad u qabowday ayaa u timid Guddi gacanta ku hayay dhismaha Masjid la rabay in laga dhiso deegaankeeda. Waxayna u dhiibtay xabbad ukun ah oo, sida ay tiri, ugu tala-gashay inay ku darsato dhismaha Masjidka.

Qiimaha halkii xabbo oo ukun ah waa Rs 8. Laakiin Ilaahay ayaa doonay inuu adduunyada ku barbaariyo qiimaheeda heer lagu iibsaday adduun dhan Rs 226,350, oo u dhiganta $2700.

Guddiga ayaa xabbadaas ukunta dhex dhigay ganacsatada maalqabeennada ah si ay qiimigeeda kor ugu dhigaan, waxaana hadba qof ku iibsanayay lacag ka badan qiimaha qofka kale ilaa ay ka gaartay qiimaheeda Rs 226,350.

Hooyadan cadka ah ayaa guri cariish ah waxay kula nooshahay inankeeda. Balse warka ku saabsan deeqsinimadeeda markii uu qabsaday xaafadda, waxaa loo kala tartamay sidii looga iibsan lahaa. Gacmo badan ayay isku martay ilaa markii dambe uu iibsaday ninkii ugu lacagta badnaa.

Danish Bhat waa ninkii fikradda iibinta ukunta suuqa soo geliyay. Waana ilaa hadda qiimihii ugu sarreeyey abid ee lagu kala iibsado xabbad ukun ah!

Suubanaha NNKH wuxuu yiri qof walba oo guri adduunyada uga dhiso Rabbigiisa, Ilaahayna Jannada ayuu guri uga dhisaa.