Heemaal News Network

Dowladda UK Oo Baabi’isay Deymihii ay ku Laheyd Dowladda Somaliya

Artinkan ayaa yimid kadib kulan muhiim ah oo ay maanta wadayeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiinta Safaaradda UK ee Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiir kuxigeenka UK ee Soomaaliya Mudane Sam Thomas, kulanka oo saaco qaatay kadib ayaa Safiir Sam waxa uu shaaciyay in uu u xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda XFS in Dowladda UK ay cafisay dhammaan daybihii ay ku leheyd Dowladda Soomaaliya 100%.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Cige oo war qoraal ah soo saaray ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah oo Soomaaliya u soo hoyatay taas oo daba socota go’aankii ay dhawaan gaareen Wadamada ku bohoobay ururka Naadiga Paris, go’aankaas ayaa dhigayay in Dowladda Soomaaliya ay wadahadalo gaar gaar ah la qaadato dalalka Paris Club, si loo sii dhameystiro cafinta deymaha ay lee yihiin dalalka qaarkood.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Yaan Dadka La Kala Dilin Hadii Kale Somaliland Xaraanbay Noqonysaa” Prof: Axmed Ismaaciil Samatar

Heemaaln

Gobollada Sool iyo Sanaag Oo laga Saaray Muran Khariireedkii Horey Uga Diwaangashanaa Hey’adaha QM

Heemaaln

Hoobiyayaal Goor-dhaweyd Lagu Garaacay Suuqa Baraakaraha Oo Geystay khasaare

Heemaaln