Heemaal News Network

Faah Faahinta:-Qarax Khasaaro badan Geestay Oo ka Dhacay Boosaaso.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in galabta uu halkaasi ka dhacay qarax miino oo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay mehrad lagu qayilo oo kutaalla magaalada Boosaaso, halkaas ay fariisan jireen ciidamo katirsan maamulka Puntland iyo sidoo kale dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxan miino waxaa ku dhintay saddex qof oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay lix qof oo kale ,kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka ee Boosaaso.

Maamulka magaalada Boosaaso iyo laamaha amniga ee magaaladaasi ayaan wali ka hadlin qaraxan iyo khasaaraha uu geestay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray oo baaritaanno ka sameeyay ciidamo katirsan booliiska Boosaaso.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xilka u kala Wareejiyay Agaasimaha Cusub Ee NISA iyo Ag-hore

Heemaaln

Xildhibaankii Maanta la Dilay Waxuu ka Cabanayay Mahad Salaad

Heemaaln

Somaliland Oo Xukun ku Riday Abwaan Abees Oo Shalay Lagu Eedeeyay Waalid Caasi

Heemaaln