Heemaal News Network

Gaza: Dad kusoo Noqday Goobihii Burburay Ee Khan Younis

kumanaan Falastiiniyiinta ah ee kusoo laabanayaan xaafada Khan Younis, ee Gaza, ayaa muuqaalada burburay ee magaaladooda ay u uqaadan l’ayihiin mid run ah.

Waddooyinka burburay, waxay ku yimadeen baaskiillo, gaari-dameer iyo iyaga oo lugeynaya, iyaga oo raadinaya guryahoodii iyo waxa ka haray .

“Waxa aan aadayaa gurigayga, inkasta oo aan ogahay in uu burburay, waxa aan doonayaa in aan burburka kasoo saaro xitaa hal shaati,” Mohammed Abou Diab ayaa sidaas yiri.

Israa’iil ayaa ciidamadieeda kala baxday koonfurta Qaza, halkaas oo ay kaga hareen hal guuto oo keliya.

Urta dadki dhintay ayaa weli hawada ku jirta, sida ay sheegeen dadka deegaanka, iyadoo meydadku ay weli yaallaan burburka hoostiisa. Baaxadda burburka halkaasi ka jira ayeey aad uga naxeen.

“Burburku aad buu u weyn yahay, dhammaan waxa ay u baahan yihiin in dib loo dhiso, kuma habboona in bini’aadamku ku noolaadaan – xitaa xayawaanka,” Abu Saif Abu Mustafa ayaa sidaasi u sheegay BBC.

“Waxay u egtahay sida in uu dhul gariir ku dhuftay magaalada,” ayu yiri Rashad Khamis al-Najjar oo kasoo jeeda gobolka Khan Younis.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xoghayaha Guud ee QM Oo Cambaareeyey Fal ay ku kaceen Ciidamada Israel

Heemaaln

Waa Tuma Haweenayda Ku Galgalatay Kiiska Falastiin Ee Maxkamada Caalamka

Heemaal

Ciidanka Israel Oo ka baxay Khan Younis ka dib Dagaalo Faraha Looga Gubtay (Sawirro)

Heemaaln