Heemaal News Network

Gudiga Dib u Eegista & la Socodka Dastuurka Somaliya Oo Talaabo Xasaasi ah Qaaday.(Sawirro)

Guddiga dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah oo lagu soo dhafay talooyinkii iyo aragtiyihii mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo lagu soo bandhigay nuqulka kama dambaysta ah ee cutubyada 1aad – 4aad ee Dastuurka KMG ah ee ka soo gudbay marxaladda labaad, isla markaana waxaa loo dul istaagay qodob qodob

Sidoo kale waxay hubinayeen habka loo soo qaabeeyay looguna badalay luqad dastuur aragtiyadii iyo soo-jeedinnadii Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

labaqa aqal ee baarlamanka Somalia oo soo gebagebeeyey dooda wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka qeybo ka mid ah ayaa la filayaa iney dhowaan cod ku ansixiyaan ama ku diidaan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulka Puntland ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshahan, iyagoo sheegaya in marka hore loo baahan yahay in la tashi lagala sameeyo iyaga iyo qeybaha kale ee bulshada.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maamulka SSC Khaatumo Oo Laga Saaray Habraaca Dasyuurkii Somaliya Ee Loo Gudbiyey Baarlamaanka

Heemaaln

M/Biixi Oo Golaha Wakiilada ku Eedeyay in ay Maroorsadeen Awooddii Xukuumadda

Heemaaln

Labbada Gole Ee Soomaliya Oo Loo Qaybiyey Nuqulka Wax Ka Badalka Dastuurka

Heemaal