Heemaal News Network

M/Biixi Oo Golaha Wakiilada ku Eedeyay in ay Maroorsadeen Awooddii Xukuumadda

Wali waxa golaha wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland horyaala miisaaniyadda oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba.

Golahan oo isagu ansixiyay miisaaniyaddan bishan aynu ku jirno saddexdeedii ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha wakiilada, isaga oo ku sababeyay in goluhu awood aanu u lahayn wax ka badelka miisaaniyadii dawladdu soo diyaarisay.

Qodobo dhowr ah ayaa madaxweyne Biixi uu ku sababeeyay ujeedada uu golaha wakiilada ugu celiyay miisaaniyaddii ay soo ansixiyeen.

Waxaana ka mid ah in ay golaha wakiiladu wax ka baddaleen kala mudnaantii miisaaniyadda.

Madaxweeynaha oo bartamahii bishan dib ugu celiya Golaha Wakiilada miisaaniyadaas, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in xukuumaddu ay tahay midda awoodda sharciyeed u leh dejinta iyo ogolaanshaha ujeedooyinka barnaamijyada dawladda iyo waxyaabaha mudnaanta miisaayada dawladda la siinayo.

Wallow aan aan qoraalka madaxweynaha si toos ah loogu caddaynin waxyaabaha ay golaha wakiiladu kusoo kordhiyeen miisaaniyadda mudadii ay gacanta ku hayeen, haddana xogaha aan ka helayno ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xukuumaddu ka biyo diiday lacago miisaaniyadda ay ugu dareen Golaha Wakiiladu ciidan beeleedyo ka jira deegaanada ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa khaatumo.

Ciidan beeleedyadan ayaa ah kuwo hore uu u sheegay madaxweyne biixi in la abaabuli doono ciidamo madani ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sharci-daro ku Tilmaamay Warqada Uu M/Biixi U Diray Guurtida

Heemaal

Suuqa Bakaaraha Oo Maalintii 2-aad Xiran iyo Ganacsatada Oo Banaanbax Cabasho ah Dhigay..

Heemaaln

Ciidamada Booliiska Somaliland Oo Gacanta kusoo Dhigay Nin ku Eedeysan Dil

Heemaaln