Heemaal News Network

Kenya Oo Weli Baadigoobeysa Askari ay Daadadku Qaadeen

Waxaa weli socda baadi goobka meydka askari ka tirsan booliska Kenya oo daadadku ay qaadeen Axaddii, iyadoo maamulka uu ka dalbaday dadka ku nool dooxada hoose inay qeylo dhaan soo diraan haddii ay arkaan meydka.

Davide Chesire ayaa ka mid ahaa saraakiishii booliska ahayd ee ka jawaabay qeylo dhaan ka soo yeertay saddex dumar ah iyo ilmo yar oo ku xayiran guryo cooshado ah markii ay biyaha ku qaraqmeen .

“Ma quusaneyno,” taliyaha booliiska gobolka bartamaha, Doris Kemei ayaa u sheegay warbaahinta gudaha, isagoo sharraxay in baaritaanku uu ka billowday goobta uu shilku ka dhacay ee Muroto, ee uu mara wabiga Nairobi.

Dhanka kale , meydka ardayda fasalka lixaad oo ay daadadku qaadeen qeybta 5aad ee Dandora ayaa wali la la’yahay iyada oo ay samatabbixiyeyaashu sii wadaan raadinteeda. Baadigoobka labada mayd ayaa weli ah mid aan weli natiijo laga gaarin.

Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in 1,180 qoys oo ku kala nool deegaanno kala duwan oo aan rasmi ahayn, gaar ahaan Mukuru Kwa Njenga iyo Mukuru Kwa Reuben, la aqoonsaday inay yihiin kuwa ugu daran ee ay daadadku saameeyeen.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Kenya Oo ku Hungowday Inay Wada-hadal-siiso Madaxda Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln

Kenya iyo Itoobiya Oo Heshiis Iskaashi kala Saxiixday

Heemaaln

Nin ka Dambeeyay Dhaawac iyo Dhac Ganacsade Somali ah Loogu Geestay Nairobi Oo la Qabtay

Heemaaln