Heemaal News Network

Guddomiya Guurtida Oo Tacsiyeey Ehelka Uu Ka Baxay AHU Suleex Madar Xoosh

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa tacsi u diray ehelkii, Qarabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, Alle haw naxariiste xildhibaan Xuseen Madar Xoosh (Suleex) oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, oo maanta ku geeriyooday magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

ALLE haw naxariiste xildhibaan Xuseen Madar Xoosh, ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii Golaha Guurtidda JSL, waxaanu door muhiima kasoo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii qaranka Jamhuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu marxuumka ILLAAHEY uga baryay in uu janooyinkiisa geeyo, ehelkii qaraabadii asxaabtii iyo guud ahaanba qaranka Somaliland samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, sida ay ka qortay warbaahinta xukuumada Somaliland ee DAWAN

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Shaqaalaha Heemaal News Oo Tacsi U Diraya Ehelada Uu Ka Baxay AHU Suleex Madar Xoosh

Heemaal

Muhaajiriin ku Dhex Dhintay Gaari Lagu soo Qariyey iyo kuwo la soo Badbaadiyey

Heemaaln

Siyaasiyiin iyo Wax-garad Oo Dhaliil Ujeediyay Farmaajo kana soo Horjeestay Dib usoo Noqoshadisa

Heemaaln