Heemaal News Network

Guddomiya Guurtida Oo Tacsiyeey Ehelka Uu Ka Baxay AHU Suleex Madar Xoosh

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa tacsi u diray ehelkii, Qarabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, Alle haw naxariiste xildhibaan Xuseen Madar Xoosh (Suleex) oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, oo maanta ku geeriyooday magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

ALLE haw naxariiste xildhibaan Xuseen Madar Xoosh, ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii Golaha Guurtidda JSL, waxaanu door muhiima kasoo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii qaranka Jamhuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu marxuumka ILLAAHEY uga baryay in uu janooyinkiisa geeyo, ehelkii qaraabadii asxaabtii iyo guud ahaanba qaranka Somaliland samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, sida ay ka qortay warbaahinta xukuumada Somaliland ee DAWAN

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Aqbali Mayno in Gabadhii Kaliya Ee Reer Awdal la Takooro Laguna Dhibateeyo Golaha Wakiilada..”Haweenka Hargeysa

Heemaaln

“Marka Hore Shaksi baan ahaa Balse Imika waa Lay Maal-gashaday” Suldaan Dhawal Oo Lagu soo Dhaweyay Hargeysa

Heemaaln

“Meydka waala Ciqaabay Hadii la Galiyo Qaboojiye, Meydka hala Aaso yaan la Dhibin” Xildhibaan Gaaraxo

Heemaaln