Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka, oo ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan gargaarka lagu garab istaagaayo Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana la sii xoojin doono waxqabadka hay’adaha kala duwan ee Islaamka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo boggaadiyay mashaariicda badan ee laga fuliyay Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey booqashada Dr. Ali Muhidin Al-Qardai, waxaana uu kula dardaaramay in ay sii laba jibaaraan dar dargelinta mashaariicda horumarineed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabanaayo.