Heemaal News Network

Habeenkii Oo Dhan Way Tuntaan Aroortiina Waxay Yidhaahdaan Waan Buknaa

Marcus Rashford ayaa lagu soo waramayaa inuu seegay tababarka Manchester United ka dib markii uu habeen ku soo qaatay magaalada Belfast.

Horaantii isbuucaan, waxaa la sheegay in Rashford la sawiray isagoo ka qeyb galaya goob lagu caweeyo oo ku taal Belfast, Northern Ireland habeenimadii Arbacada.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Athletic, Rashford wuxuu ku maqnaa Belfast habeenkii Arbacada iyo habeenkii Khamiista ka hor inta uusan seegin tababarka kooxdiisa Jimcihii, isaga oo sheegay in uu xanuunsanayo.

Waxaa la sheegay in laacibku uu ka soo qeyb galay goob lagu caweeyo saacado ka hor inta aan la qorsheynin in uu ka soo xaadiro goobta tababarka kooxda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in weeraryahanka uu aaday Lavery’s Bar habeenimadii Arbacada ka hor inta uusan tagin Thompsons Garage caweyska ee magaalada habeenimadii Khamiista, ka dibna uu dib ugu laabtay Manchester isagoo raacay diyaarad khaas ah subaxii xigay.

Isagoo ka hadlayay Rashford jimcihii, maamulaha United Erik ten Hag wuxuu yiri: “Subaxnimadii, Rashford wuu xanuunsanaa (Jonny) Evans wuu xanuunsanaa marka waa inaan aragnaa sida ay u soo kabsanayaan.”

Dabayaaqadii Noofambar 2023, Rashford waxaa la arkay isagoo ka qayb galaya goob lagu caweeyo ka dib guuldaradii United 3-0 ee ay kala kulmeen kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.

Isagoo ka hadlayay dhacdadii waagaas, ayuu Ten Hag yiri: “Waan kala hadlay isaga. Waa wax aan la aqbali karin. Wuu ka cudur daartay waana taas. Waana arrin gudaha ah.

“Aad ayuu ugu dhiiraday inuu wax saxo. Gebi ahaanba wuu nala joogaa.”

Rashford waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkii hore ka dib markii uu dhaliyey  30 gool tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedka xiddiga Ingariiska ayaa si weyn hoos ugu dhacay xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay kaliya afar gool 26 kulan oo uu saftay ilaa haatan.

United ayaa dib ugu soo laabatay garoomada galabnimada Axada iyadoo la ciyaari doonta Newport County wareega afaraad ee FA Cup.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xamaasad Waali ah Oo ay ku Kaceen Taageerayaasha Reer Burco Ciyaartii Galabta

Heemaaln

Koonfur Afrika Oo Marti galisay Kooxda Kubadda Cagta Ee Falastiin Oo Taageero Ugu Muujinayo

Heemaaln

Live Ciyaarta Finalka Ee Galmudug Vs Hirshabeele

Heemaaln