Heemaal News Network

Haween Carreysan Oo Dibad baxyo ka Dhigaya Magaalooyin kuyaalla Dalka Kenya

Qaar kamid ah haweenka kunool dalka Kenya ayaa isugu soo baxay bannaan baxyo magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo kuyaalla dalkaasi, kuwaa oo kasoo horjeeda tacadiyada dumarka ka dhanka ah.

Haweenka dibad baxyada dhigaya ayaa ka carreysan dilal fool xun oo gudaha Kenya leegu geestay dumar badan, waxaana ugu dambeysay dil argagax lahaa oo bishan gudaheeda magaalada Nairobi loogu geestay gabar ardayad ka aheyd jaamacad kutaalla Nairobi.

Dibad baxayaasha isku soo baxay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal-kudhigyo ay uga soo horjeedaan dilalka dumarka ka dhanka ah, waxa ay sidoo kale wateen boorar ay ku qoran yihiin magacyada haween badan oo la dilay.

Haweenkan dibad baxyada dhigayay ayaa dowladda ugu baaqayay in ay wax ka qabtaan dilalka iyo tacdiyada dumar loo geesanayo, waxa ayna caddeeyeen in aan indhaha lga daboolan karin dhibaatooyinka dukarka lagu hayo.

Hay’adda Amnesty International waxa ay sheegtay in wax ka badan shan boqol oo kiis oo dil ah lagu diiwaan geliyay Kenya intii u dhaxaysay sannadihii 2016 iyo 2023, waxa ayna sheegtay in tacadiyada haweenka ka dhanka ah sii kordhayaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Baarlamaanka Jamaacadda Carabta Oo Bayaan Adag kasoo Saaray Damaca Itoobiya

Heemaal

Xasan Sheekh “Heshiiskan Bada Ee Turkiga Dowlad kale Oo Lagula Dirirayo Majirto”

Heemaaln

Itoobiya Oo Sheegtay inay ka Niyad-jabtay Hadal Uu Ergeyga Somaliya ka Jeediyay kulanka Q/Midoobay.

Heemaaln