Heemaal News Network

Heshiiski ku Biirista Somaliya Ee Ururka Bariga Afrika EAC Oo Su’aalo Laga Keenay.(Sawiro)

Waxaa Magalada Mogadisho kulan ku yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Dibadda XFS Mudane Isxaaq Mohamuud Mursal waxaana wahlinayay Ergayga Gaarka ah ee bulshada Bariga Africa Mudane Abdisalaan Hadliye iyo Dr Yahie Yusuf Haji-Ali Xiriiriyaha Wasaardda iyo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamanka, Khuburo, agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka waxaa Shir Guddoominayay Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Golaha Shacabka BJFS Xil.Abdullahi Bidhaan Warsame, waxa goob joog ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga xil.Aweys Hussein Mo’alin.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa Su’aallo waydiin ku saabsan Heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Xubnaha guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay Ergayga Gaarka ah ee bulshada Bariga Africa iyo wasiirkuba su.aalaha xubnaha guddiga ayaa ubadnaa Faaidoyinka bulshada soomaaliyeed uu uleeyahy hashiiskaan iyo haddii ay jiraan wax dhibaata ah oo ugeysan karo ganacsatada soomaaliyeed,

Waydiimaha xubna Guddiga iyo Guddoonka waxaa mid mid ugu jawaabay Ergayga Gaarka ah ee bulshada Bariga Africa Mudane Abdisalaan Hadliye iyo Khuburadda ,agaasimayaasha lasocday.

Ugudanbeyntii Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Golaha Shacabka BJFS Xil.Abdullahi Bidhaan Warsame, oo soo xiray kulanka ayaa umahadceliyay wasiirka iyo ergayga khubarada lasocday iyo agaasimayaasha ka socday wasaaradda asigoona sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan kulan weynaha Golaha shacabka la horgeeyn doono si loo ansixiyo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Baarlamaanka Labada Aqal Oo Ansixiyay Heshiiska Badda Ee ay Gaareen Somaliya iyo Turkiga

Heemaaln

Daawo Waraysi Madaxweyne Xassan Oo Al Jazeera Uga Waramay Colaada Itoobiya

Heemaal

Dad Kenyan ah Oo Lagu Laayay Gudaha Somaliya iyo Meydadkooda Oo la Geeyay…

Heemaaln