Heemaal News Network

Banaanbax Wayn Oo Looga Soo Horjeedo Xisbi Doonaya In Uu Jarmalka Ka Nadiifiyo Ajaaniibta,,

Barxadda hore ee baarlamaanka dalka Jarmalka, waxaa isugu soo baxay in ka badan 150,000 oo debedbaxayaal ah, kuwaas oo sameeyey waxa ay ugu yeedheen derbiga looga hortegayo, kooxaha xagjirka ah. Dadkan ayaa ka cabanayey xisbiga Alternative for Germany ama loosoo gaabiyo AfD. Dadka debedbaxayey waxaa ku jiray, siyaasiyiin waaweyn oo u dhashay dalkaas.

Tan iyo badhtamihii bishii January waxaa Guud ahaan dalka JArmalka ka socday debedbaxyo waaweyn, ka dib markii uu bogga Correctiv uu daabacay in siyaasiyiin ka tirsan AfD inay ka doodeen in si khasab ah muhaajiriinta looga saaro dalkaas – xaataa kuwa haysta dhalashada dalka Jarmalka, ka dib kulan qarsoodi ah oo ay bishii November ku yeesheen duleedka Berlin.

Jeannette Gusko oo ka mida madaxda sare ee bogga Correctiv ayaa sheegtay:

“Kooxaha wata aragtida Naziyiinta, deeqbixiyayaashooda iyo siyaasiyiinta AfD waxay ka wada-xaajoodeen sidii Jarmalka looga eryi lahaa malaayiin qof. Arrintan ayaa ah, qodob uu xisbiga AfD doonayo inuu awoodda ku gaadho.”

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz ayaa soo dhoweeyey debedbaxyada:

“Haddii uu jiro shay ay tahay inaanu meel ku yeelan dalka Jarmalka, waa aragtida Naziyiinta. Aragtida ah, in la eryo ama in meelo kale lagu celiyo waa midda ay wataan kooxaha xagjirka ahi”

Mid ka mida madaxda AfD Alice Weidel ayaa warbixintan ku tilmaamtay inay tahay aragti ay ololaha ku gelayaan kooxaha dhinaca midig u janjeedha.

“Cadawga rasmiga ah ee dastuurkeenu wa kuwa ku baaqaya in la mamnuuco xisbiyada”

Taariikhdii xasaaasiga ahayd ee uu soo maray dalka Jarmalka gaar ahaa xilliyadii uu ka talinayey Hitlar iyo Naaziyiintu, ayaa dalkaas ka dhigay inay aad xasaasiyad uga qaadaan aragtiyaha xagjirka ah ee garabka midig. Waxaa haatan isasoo taraya baaqyo ku aaddan in la mamnuuco xisbiga AfD.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Weerar Mindi loo Adeegsaday Oo ka Dhacay Xarun Tareen Oo ku Taala Paris

Heemaaln

Xukuumada Xamse Oo ka War-bixiyey Booqasho Wafdiga Jamacadda Carabta Ee Muqdisho

Heemaaln

Antonio Guterres Oo loo sheegay War Uu aad Uga Naxay kuna Baaqay Baaritaan Deg deg ah

Heemaal