Heemaal News Network

Antonio Guterres Oo loo sheegay War Uu aad Uga Naxay kuna Baaqay Baaritaan Deg deg ah

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Falastiiniyiinta ee UNRWA,ayaa lagu eedeeyay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda gaar ah ay ku lug lahaayeen weerarradii kooxda Xamaas ku qaadeen 7-dii Oktoobar dhulka ay maamusho Israa’iil.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu aad uga naxay warkan loo soo sheegay, waxa uuna ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

Waxa uu sheegay in arrintan ay tahay mid aan la aqbali karin oo ceyb ah, waxa uuna faray saraakiil katirsan Qaramada Midoobay in baaritaano deg deg ah lagu sameeyo jiritaanka warkan sida weyn u baahay.

Dowladda Mareykanka ayaa durba qaaday tallaabooyin deg deg ah kaddib markii la baahiyay fadeexada hay’adda UNRWA, waxa ayna Mareykanka ku dhawaaqeen in ay joojinayaan dhaqaalihii uu siin jireen hay’adda UNRWA.

Weerarkii Xamaas ku qaaday 7-October ee sannadkii hore ayaa lagu dilay in ka badan 1,300 qof oo Israa’iiliyiin u badnaa, waxa uuna weerarkaasi abuuray weerar kale oo falcelin ah oo Israa’iil ku bur burisay Gaza kuna dishay dad ka badan 23-kun oo qof oo shacab ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Netanyahu Oo Amar Ku Bixiyey In La Weeraro Magaal Ay Uga Digeen Masar, Maraykanka Iyo EU-du

Heemaal

Dawlada Imaaraadka Carabta Oo ka Hadashay Saraakiil Looga Dilay Muqdisho.

Heemaaln

Maryakanka Oo Hubkii Ugu Badnaa U Diraya Israel Iyo Dayaaradaha “F-35, F15 Iyo Apache

Heemaal