Heemaal News Network

Caalamka Oo Ka Digay Qalalaase Gobol Oo Uu Sabab Yahay Dagaalka Suudaan Iyo Xiisadaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku baaqay xabbad joojin degdeg ah iyo wadahadal wax ku ool ah oo dhexmara dhinacyada isku haya Suudaan.

Kooxahan ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiis muran badan dhaliyay oo ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland.

Wakiillo ka socday Ururradaas oo Khamiistii ka hadlay Magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaddib markii uu dhammaaday shirkii Urur-goboleedka Bariga Afrika, ayaa sheegay in labadan xiisadood ay khatar ku yihiin xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

AU, EU iyo US iyo UN waxay xuseen in dagaalada ay ku barakiciyeen 7 milyan oo qof ayna 19 milyan oo caruur ah ka reebeen iskuulada.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Michael Hammer, ayaa ugu baaqay dhinacyada Sudan inay u hoggaansamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, isla markaana ay fuliyaan ballanqaadyadii ay dhawaan ku joojinayeen dagaallada.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay qaadi lahaayeen tallaabo waafaqsan sheegashadooda ah inay doonayaan inay joojiyaan dagaalka ayna daboolaan baahida dadka,” ayuu yiri Hammer.

Waxaa uu soo hadal qaaday ka dib markii Urur Goboleedka IGAD ay shir deg deg ah ku yeesheen Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda, kaasi oo looga hadlayay dagaalka Suudaan iyo xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Dhimashan ka Xignaa In Xabashi Na Loogu Keeno Badda Lughaya..”Cuqaasha Lughaya Oo Mar kale ka Digay

Heemaaln

Xasan Sheekh “Saamiga ku Leenahay Badda Cas, Ma Aqbaleyno in Taako ka Mid ah ay Qabsato Itoobiya“

Heemaal

Haween Carreysan Oo Dibad baxyo ka Dhigaya Magaalooyin kuyaalla Dalka Kenya

Heemaal