Israa’iil ayaa xoojisay duqeymaha ay ku hayso magaalada Khan Younis ee Qaza, taasoo ku qasabtay shacabka Falastiiniyiinta ee ku dhaqan deegaankaas in ay ka qaxaan koonfurta.
Weerarada Israel ayaa imaanaya maalin kadib markii maxkamada sare ee Qaramada Midoobay ay go’aamisay in Tel Aviv ay ka hortagto falalka xasuuqa ee suurtagalka ah ee colaada, ayna ogolaato gargaar.
Wasaaradda caafimaadka Falastiin ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 135 qof lagu dilay Khan Younis taasoo ka dhalatay duqeymo habeenimo ah oo ay Israa’iil fulisay.