Heemaal News Network

Jarmalka Oo Xabsiga Dhigay Saddex Qof Oo Looga Shakiyay inay u Basaaseen Shiinaha ayaa la xiray

Dacwad oogayaasha federaalka ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in saddex muwaadin oo Jarmal ah la xiray, kuwaas oo looga shakisan yahay inay u basaasayeen Shiinaha. Laba ka mid ah tuhmanayaasha ayaa ah lamaane is qaba oo shirkad ku leh Dusseldorf.

Midka saddexaad waxa lagu tilmaamay shaqaale ka tirsan Wasaaradda Amniga Dawladda Shiinaha. Waxaa lagu eedeeyay inuu helay macluumaadka ku saabsan tignoolajiyada cusub ee loo isticmaali karo farsamada milatari.

Dadkan la tuhunsanyahay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay Jarmalka ka iibsadeen laser gaar iyadoo lacagta lagu iibiyayna ay bixisay dowladda Shiinaha. Waxa la sheegay inay u dhoofiyeen Shiinaha fasax la’aan.