Heemaal News Network

Ku-simaha Madaxweyne Deni Oo warbixin xasaasi ah ka Dhegeystay Gudiga Doorashada Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa guddiga ka dhegaystay warbixin ku aadan shaqada socota, hawlihii qabsoomay iyo qorshaha ku aadan doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka haray, isaga oo ku bogaadiyey shaqadii baaxada lahayd ee ay soo qabteen.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Guddiga faray in ay dar-dargeliyaan habsami-u-socodka iyo hannaanka daah-furnaanta qabashada doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka haray.

Madaxweynaha ayaana uga mahadceliyay shaqada Guddigu hayaan oo uu sheegay iney tahay mid muhimad gaar ah u leh shacabka iyo dowlad goboleedka Puntland