Heemaal News Network

Joe Biden Oo La Kulmay Afrata Xubnood Ee Ugu Sareeya Labbada Gole Ee Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kulan ka dhacaya Aqalka Cad maalinta Salaasada ah, isugu yeeray afarta masuul ee ugu sarreeya labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka.

Kulankan ayaa sida laga soo xigtay sarkaal ka tisan Aqalka Cad, oo magaciisa qariyay, waxaa madaxdan iyo madaxweynuhu ay ku gorfeynayaan gargaarka deg degga ah ee Ukraine iyo Israel iyo sidii looga fogaan lahaa in howlaha dowladdu ay istaagaan bisha soo socota ee March.

Afartan hogaamiye ee uu u yeeray Madaxweyne Biden ayaa waxay kala yihiin Afhayeenka Aqalka hoose ee Kongareeska Mike Johnson, hogaamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Senateka Chuck Schumer, hogaamiyaha mudanayaasha Dimuquraadiga ee Aqalka Hoose Hakeem Jeffries, iyo hogaamiyaha Jamhuuriyiinta ee Aqalka Senateka Mitch McConnell.

Aqalka hoose ee ay ku xoogganyihiin Jamhuuriyiinta ayaa cadaadis badan kala kulmaya sidii uu u meel marin lahaa lacag gaareysa 95 bilyan oo dollar ah oo lagu bixinayo Ukraine, Israel iyo arrimo kale oo hortabin u leh amniga Qaranka Mareykanka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo ka Hadlay Go’aanka Maxakamada ICJ

Heemaal

Itoobiya Oo Shir Caalamiya ka Difaacay Heshiiska ay la Galeen Somaliland

Heemaal

Sirdonka Israa’iil Oo Lagu Eedeyay Inay Cabsi gelin ku Bilaabeen Wasiir A.Dibada Koonfur Afrika

Heemaaln