Heemaal News Network

Ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Oo Itoobiya Gaaray, Kulan-na la Qaatay

Wasiiru dawlaha ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya halkaas oo sida uu sheegay uu kaga qab galayo laba kulan.

Qoraal uu wasiirku soo dhigay bartiisa X (twitter) ayaa sidan u qornaa: “Waxaan imid Addis Ababa, halkaas oo aan ku shir goddoomin doono guddiga muhiimka ah ee wasiirada ee musharaxiinta Afrika ee nidaamyada caalamiga ah. Intaa waxaa dheer, waxaan ka qeyb galayaa Shir Madaxeedka 44-aad ee Midowga Afrika oo aan ku matali doono Soomaaliya, anigoo u hamuun qaba in aan gacan ka geysto qaabeynta doorka Afrika ee caalamiga ah”.

Tan ayaa kusoo aadeysa iyada oo ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya eek u saabsan heshiiska is-afgarad ee dhawaan dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wasiiro Iyo Saraakiil Ciidan Oo Xabsiga loo Dhigay Ianay Qorsheynayen Dilka Madaxweynahooda

Heemaal

Afhayeenka Madaxtooyada Oo Faahfaahin ka Bixiyey Safar Uu Maanta Xasan Sheekh ku Tagay Kenya

Heemaaln

Wasiir Fardowso”Talaabadii Ugu Horeysay Ee Lagu ilaalinaayo Badqabka Duulimaadyada Hawada Somaliya waanu Qaadnay”

Heemaaln