Heemaal News Network

Labbada Gole Ee Baarlamaanka Oo Cod Aqlabiyadda Ku Ansaxiyey Wax Ka Badalka Dastuurka

Baarlamaanka labada Aqal ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay afarta cutub ee wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Afarta cutub ayaa mid mid loo codeeyay, kaddibna afarta cutub oo wada socdo ayey labada aqal ee Baarlamaanka u kala codeeyeen.

212 Xildhibaan Golaha Shacabka ah iyo 42 Aqalka Sare ayaa u coddeeyay wax ka badalka Dastuurka, mana jirin wax diiday ama ka aamusay sida uu Guddoonku baarlamaanku ku dhawaaqay.

Wax ka beddelka qoddobada dastuurka ee uu maanta ansixiyay labada aqal ee baarlamaanka, ayaa waxa ka mid ah, in Madaxweynaha soo socda ay soo dooran doonaan Shacabka Soomaaliyeed, Raā€¯iisul wasaaruhuna uu magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha Gudidda doorashooyinka iyo Soohdimaha ee Heer federaal ayaa tiradooda laga dhigay 18 xubnood.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

‘Aqbali Mayno Waxay soo Jeediyeen Golayaasha Baarlamaanku.!”Gud. Dirawal

Heemaaln

Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Xasaasi ah ka Jeediyay Shir ka Furmay Nairobi.(Sawirro)

Heemaaln

Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu xalay ciidamo geeyey Buurta Gacan Libaax .

Heemaal