Heemaal News Network

M/Biixi Oo Daah-furay Shirweynaha Dhaqaalaha Islaamiga ah Ee Afrika (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirweynaha 11-aad ee hab-xisaabeedka Islaamiga ah ee Afrika (African Islamic Finance Summit) oo sannadkan 2024-ka ay marti-gelisay caasimadda Hargeysa.

Shirweynahan oo ay ka qaybgaleen madax caalami ah oo ka socota in ka badan Dhawr iyo Toban oo dalalka caalamka ah oo ku xeel-dheer dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, hormuudka Hay’adda caymiska Somaliland, madaxda Baanka dhexe ee Somaliland, hoggaanka ururka ay ku midaysan yihiin Bangiyada Somaliland, madax ka socota hay’adaha dhinaca maaliyadda oo ka socday dalalka Imaaraadka Carabta iyo Masar iyo khubaro kala duwan oo ka socotay baananka madaxa bannaan ee ka jira gudaha dalka Somaliland, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay inay Somaliland ka faa’iidaysato khibradda dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga ah ee ay leeyihiin hay’adaha iyo khubarada caalamiga ah ee shirkan qaybta ka ahi.

Ugu horrayn, guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, Mudane Cali Cabdilaahi Daahir oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda uu shirkani leeyahay iyo sida uu wax weyn uga tarayo kaalinta ay Baananka Islaamiga ahi ku leeyihiin horumarka iyo la dagaallanka Faqriga.

Agaasimaha xarunta Al-huda Islamic Banking and Economics, Mr. Muhamed Subeir Mughal iyo guddoomiyaha ururka ay ku bahaysan yihiin Baanka gudaha Somaliland, Mudane Khaliif Cumar Nuur oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa bogaadiyey shirkan 11-aad ee lagu qabtay Hargeysa, waxana ay si cad u sheegeen inuu shirkani wax badan ka tari doono koboca dhaqaalaha Islaamiga ah ee ka jira gudaha Somaliland.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa soo dhaweeyey wufuudda iyo khubarada caalamiga ah ee kasoo qaybgashay shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha Islaamiga ah, waxana uu xusay inay Somaliland u tahay fursad weyn.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirka daah-furay, ayaa bogaadiyey shirkan muhiimka ah ee Somaliland nasiibka u heshay, waxana uu si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey khubarada caalamiga ah ee shirka uga soo safray dalalka kala duwan ee caalamka ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ammaanay dhammaanba bahda culuumta dhaqaalaha ku xeesha dheer leh, isaga oo sheegay in qaranka iyo baananka kala duwan ee culuumta maaliyadda ka shaqeeyaa is garab taagan yihiin, waxana uu yidhi, “Waan ku ammaanayaa dhammaan bahda dhaqaalaha ka shaqaysa, haddii ay tahay ta gaarka loo leeyahay iyo ta dawliga ahba, qaranku wuxuu garab taagan yahay Baananka, Baanankuna waxa ay garab taagan yihiin qarankooda.”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweynaha DDS Oo Ka Qayb Galay Kulan Lagaga Wada Hadlay Caqabadaha Dhanka Ganacsiga.

Heemaaln

Xukunka Eedeysanayaashii loo Heystay Musuq-maasuq Ee Dacwadooda ka Socotay Maxkamadda Rafcaanka

Heemaaln

Ganacsato Waa-weyn Oo Maalgashi ku Samesanaysa Dalka Oo soo Gaaray Muqdishjo

Heemaaln