Heemaal News Network

M/Biixi Oo Hadhimo Sharafeed ku Maamuusay Ex Madaxweyne Riyaale.(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada Hadhimo-sharafeed ugu sameeyey Madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Kulankan ayey labada madaxweyne isku xog waraysteen, iskuna dhaafsadeen talooyin iyo afkaaro salka ku haysa sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka iyo wada jirka ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan hadhimo sharafeedka ah oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada Wasaaraha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Hrumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Reer Miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo qoyska, Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), Macdanta iyo Tamarta, Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi, waxbarashada iyo Sayniska, Dr Axmed Aadan Buuxane iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka Maraykanka iyo Kanada (Canada) Amb. Bashiir Sheekh Cumar Good.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Gabadh Yar Oo Hargeysa Laga Afduubtay Dhawaan Oo la soo Bandhigay

Heemaaln

“Suldaan aan Laysku Raacsanayn Makaahil ma Matali karo..”Chif Caaqil Ka Hadlay

Heemaaln

Wiilkii Lagu Diley Muqdisho Oo Somaliland Taalo Looga Sameynayo

Heemaaln